16/05/2026
WAR-MURTIYEED
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay maanta wajahaysaa marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri oo halis ah, kaddib dhammaadka muddadii dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha iyo Barlamaanka, si waafaqsan qodobbada 60-aad iyo 91-aad ee Dastuurka KMG ah ee Dalka.
Xaaladdan halista ah waxaa lagu wajihi karaa wadatashi qaran oo ay isugu yimaaddaan hormuudka siyaasadda, indheer-garadka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si looga tashado badbaadinta dalka iyo maareynta marxaladdan la galay ee firaaqa dastuuriga ah iyo hubanti la'aanta siyaasadeed.
Sida ku cad qodobka 103 ee Dastuurka KMG ah, Xukuumadda hadda jirta waxa ay noqotay mid xil-gaarsiin ah oo aan lahayn awood ay ku qaadan karto go’aammo masiiri ah oo saameynaya mustaqbalka dalka, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la gaaro heshiis siyaasadeed oo horseedaya qabsoomidda doorasho la isku waafaqsan yahay, taas oo asaas u ah in dalka laga saaro marxaladdan, lana helo dowlad leh sharciyad qaran.
Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay si dhammaystiran uga fogaadaan ku-milanka arrimaha siyaasadda iyo in loo adeegsado xukun maroorsi iyo cabburinta shacabka. Marxaladdan adag ee dalku ku jiro waxaa hortaalla ciidanka in ay xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee difaaca dalka, sugidda amniga, dhowrista midnimada iyo dowladnimada dalka.
Ugu dambeyn, waxaan adkaynaynaa baaqyada ku aaddan wadatashiga, isu tanaasulka iyo ilaalinta dowladnimada, annaga oo muujinayna muhiimadda ay leedahay, xilligaan, in danta qaranka laga hormariyo danaha shakhsiga ah iyo kuwa kooxeed.
DHAMMAAD