30/06/2025
🎉 Hambalyo 1-da Luulyo! 🇸🇴
Waxaan hambalyo sharaf leh u direynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, munaasabadda qiimaha leh ee 1-da Luulyo – maalinta xorriyadda iyo midnimada qarankeena hooyo.
Waxaan is xusuusin doonaa si kooban dhacdooyinkii xornimo 30jun-1 July 1960 iyo midowgii Soomaaliya iyo soomaaliland.
30 June waxaa markii Ugu danbeysay la dejiyay calankii Talyaaniga oo ummadaha midoobay wakiilka ka aah, ee wisaayadii (Ammaanadii) maamulaayay , waxaa Dalka ka dhoofay maamulihii Talyaaniga.
Habeen badhkii 30 June 1960 waxaa dhamaaday heshiiskii 'wisaayaddii' (Trusteeship Agreement) ee xornimo gaadhsiintii Koonfurta Soomaaliya.
1 July 1960 Guddoomiyihii Golihii Shacbiga Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, ahaana Ku sime madaxweyne eeJamhuuriyadda cusub, ayaa Ku dhawaaqay gobonimadii Dalka, sidoo kale wuxuu Ku dhawaaqay midowgii Soomaaliya iyo Soomaaliland, oo xubnihii labada Baarliamaan ee Soomaaliya iyo Soomaaliland wadajir Ku oggolaadeen isutaag iyo sacabtun (Standing Ovation).
1 July 1960 baa Aadan Cabdulle Cusmaan loo doortay madaxweynihii Soomaaliya ee Ugu horreeyay.
Waa maxay muhiimadda 1 July ay leedahay?
Waa maalinta calanka la suray si rasmi ah oo midnimo Leh.
Waa maalinta ugu weyn xagga qaranimada Dalkeena Soomaaliya.
Waa maalin xusuus iyo sharaf u leh halgamayaashii xoriyadda iyo dadkii naf iyo maalba u huray.
Mar labaad 🎉 Hambalyo 1-da Luulyo! 🇸🇴.