26/08/2023
SAYID MAXAMED (AUN)
Harti Nimaan aqoon baa kuyiri Hadalka qaarkii ee
*Waa Niman, Hormuud wada ah iyo Hanadyo
waa waynee
*Waa Nimanka, Haybtoodu tahay Haashirkaa kore ee
Waa Nimanka, deeqii Hanbaday Hibo illaahay ee
Waa Niman, Gobaa lagu Hirtaa lagu Hagaagaa ee
Waa Niman, Halleeliyo Horwayn Heel kabuuxsaday ee
Waa Niman, Hariiro Huwanoo Huga Ku laafyoon ee
Waa Nimanka, Doonyuhu Hindida ugu Himbaartaane
Waa Niman, Hadhuudh & Bariis Hooyga loo dhigayee
Waa nimanka, Haanfuuqayee Timirtu Hoostaalee
Waa Niman, Hingaadh lama watee Haybad Guursada ee
Waa Niman, Hablaha ay qabaaan Halalac leeyaane sida Heegadoo Curatay bay shuqul Hilaacaan ee
Ree tolkay waxaan leeyahay Guul waad gaadheen maanta mar Haddii aad ninkii Habarjeclo ee magalada Duqayn jiray aad maxbuus ahaan uhaysataan Difaaca xidha mashaxarada badana joojiya